Ikraan  suleiman

Ikraan suleiman says:

5 years ago
Ka waran jidhkaaga oo sanadkii hal maalin maydho, ka waran noloshadaa oo gabigeedaba aad tidhaa malin uunbaan is sharafya is maamusaya is xasuusanaya inta kalana dulibaan ahaanayaa. Maba xuma maalin la xafladayato lays dhiirigaliyo khaladkana layska saxo. Ma tahay ayaa se ka horaysa maalin sidaa loo jeedo maalintani. Ma is waydiinay maalintan yaa sameeyay ? Maxaa loo sameeyay? Adigu se yaad tahay? Diinta islaamka ka hor gabdhaha waa la aasi jiray wax karaamo may lahayn balse Allah waxa uu inagu soo ciseeyay diinteena suban ee uu inoogu so dhibay xabiibkeni muxamed(SCW) kaaso ina sharfay maamusay korna u qaaday qiimaha haweenka. Ma ogtahay dawladaha soo alifay 8much inay badhkood binaadanimadada shaki galiyeen, kubana murmeen waxa ay dumarku yihiin. Suaal kale inaga iyo raga rabi markuu inawada abuuray inamuu kala saraysiin inamanuu kala hoosaysiin ee wali ma is waydisay sababta dumarka maalin loo siiyay ragana malin la xusayo aynaan u arag. Sawkuwa Ku dooda in la simayay meeday maalintii ragu liidnimo iyo dulinimo ka hoosaysa oo gabadhi aqbashaa ma jirto taaso ah sanadka dhanbaan maalin kaliya leeyahay, lay xasuusanayaa ana is xasuusanayaa. Allah maalinkasta inaguu ina siiyay sideed markaa u aqbalysa maalin biniaadan soo macmalay. Ciidaha muslimku waa laba dadkuna rag iyo dumar iyagoo kala ah in ay bani'aadan yihiinba uga horaysa kana siman yihiin biniaadanimo wax ka sokeeya hadaad aqbasho waadiyo garaadkaa. Dumarnimadu rabigu kugu sharfay in lagula maamulo oo lagu yidhaa waad liidata ama waa layskaa xasuusinayana waa garashadaadi oo luntay Ku dayashada miskiin aan haysan diin sharaftayna waa kuu dulinimo. Is garawso isna aqoonso inta adaan malin is xusin kadibna goaanka qaado, se ha odhan uun waa maalintii dumarka adoon waxbaba is waydiin.
#maalinwalba_waa_maalinteeni inta ay naftu inagu jirto
Qoraaga maqaalka by #Shukri Axmed Xaaji Cabdi
What's In Your Mind?:
♤Riyaan isleeyeyahay rumee ♤Rajaan ka qaba waqtiga⏰ ♤Mana ihi qofay wayuhu ridaan
What's your idea?:
Riyadii la dhawraa maruunbay rumawdaa
About Me:
Halakaan hiigso leeyahay hilmaamimaaye hilinkeedi waan hayaa🏃‍♀️
Movies like most:
Motivation
Music Like most:
Qur'an
Job:
Social worker
Blood Group:
B+