Liibaan mahammad ali

Liibaan mahammad ali says:

5 years ago
Waa wiil dhalinyaro ah oo aabahiis ka mid ahaa Tujaarta ugu waaweyn halka ay ku noolaayeen waana uu geeriyooday aabihiis, isagoo uga tagay dhaxal aad u farabadan.Balse hamigiisa wuxuu ahaa inuu diinta barto, dadaal dheer kadib wuxuu ka dhabeeyay riyadiisa Hiigsiga uu lahaana wuu gaaray.

Inta uu waxbarashada ku guda jiray wuu hanti beelay waxa kaliya ee hantida aabihiis kasoo haray hal guri ay daganayeen isaga,xaaskiisa iyo caruurtiisa, wuxuuna gaaray heer uu u waayo reerkiisa wax ay cunaan.

Wuxuu go'aansaday gurigiisa inuu iibiyo si uu ugu helo wax ay reerkiisa cunaan.

Suuqa ayaa waxay ku kulmeen nin ganacsato ah wuxuuna usoo bandhigay inuu guriga ka iibsado,sababta ku kulifaysa arintaas ay tahay inuusan haysan reerkiisa wax ay cunaan.

Ninkii ganacsatada ahaa ayaa u beerjileecay wuxuuna siiyay laba Ceesh si uu reerkiisa ugu quudiyo.

Ceeshkii ayuu soo qaatay intuu jidka socday ayaa wuxuu arkay haweeney wadata ilmo yar oo agoon ah dan iyo duruufna ay ka muuqato.

Ilmihii yaraa ayaa ceeshka indhaha la raacay, ninka caalimka ahaa wuxuu dareemay dhibka reerkan haysta wuxuuna ku fakaray inuu fursadan ka faa'iideysto ceeshkii ayuu ku sadaqeystay canugii yaraa.

Gurigiisa ayuu kusoo laabtay iyadoo reerkiisa wali sidii u gaajeysanyihiin.

Mar labaad ayuu suuqa kusoo laabtay si uu u helo cid guriga ka gadata ama ka iibsata, dabeedna wuxuu la kulmay ninkii siiyay labada Ceesh.

Ninka Ganacsatada ahaa ayaa weydiyay sababta uu Suuqa ugu soo laabtay, cid guriga iga gadata ayaan baadi goobayaa ayuu ku jawaabay.

Mudo gaaban ka dib ayaa waxaa dhacday in looga bishaareeyay in gurigiisa la keenay Gaadiid ku raran hanti aad u fara badan ka dibna Gurigiisa ayuu ku laabatay waaba tan arintii oo run noqotay.

Dadka hantida u keenay ayuu weydiiyay dhanka ay kasoo gashay, waxay ku jawaabeen aabahaa ayaan wada ganacsan jirnay mar ayuu xageena Badeeco kusoo iloobay anagana badeecadii ayaan ku shaqeynay illaa ay intaan oo faa'iido ah ay dhasho, maadama uu aabahaa geeriyooday adiga ayaan kuu keenay si aad amaanada nooga gudoontid.

Sadaqadii yareyd ee uu bixiyey ayaa Alle wax ka weyn ugu bedelay.

Sheekadan waxaynu ka faa'iideeynaa.

1. Sama falka inaysan yaryareesi laheyn

2. Raadka Sadaqada aduun iyo aakhiraba in lagu manaafacaadsanayo.

3. Fal walba oo aad qabaneysid Allah dartiisa aad u sameyso inaadan sinaba ugu khasaareynin.

4. Allah adiga oo sugaya inuu ku seejin karo adiga oo quustay inuu ku siin karo.
Liibaan mahammad ali

Liibaan mahammad ali says:

5 years ago
Wxa caawa laso kobi karin farxadayda taso u sabab ah wlalkay somaliyeed oo himilo iyo hiigsi durugsan leh alena siyey maskaxdedii iyo raganimadedii wxan ku leyayahay wlal cabdihakinn yassin horoy usoco markasta garabkaga ayan unahay hadan nu nahay wlaladada somaliyeed shaqo wacan
Photos 3
Friends 19
Ahmed boodhariga caashaqa
Æßmæ mustaphe
Abdiasis Elmi Osman
Kaif
Suad
Ayan sahal
umm Aymen
Axlaam
khadijo lakari
Shidane08
Janno beegsi
Abokor mohamed
hoodo-Dahapo